Mareykanka oo Joojiyay Taageerada Maaliyadeed ee Ciidamada Danab

0

MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Maraykanka ay hakisay taageerada maaliyadeed ee ciidamada Danab, kuwaasoo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Bihi Egeh, ayaa ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya Maanta, in go’aankan uu saameyn taban ku yeelan doono xaalada dhaqaale ee dalka, isagoo sidoo kale ka digay in hakinta taageeradaasi ay sii xumeen karto caqabadaha dhaqaale ee Soomaaliya.

Bihi Egeh wuxuu carabka ku adkeeyay in muhiim ay tahay in la helo xalal kale oo taageero ah, si loo sii wado dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, loona ilaaliyo amniga qaranka.

Joojinta taageerada Maraykanka ayaa timid xilli Soomaaliya ay u baahantahay in la xoojiyo dadaalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ISIS, waxaana ay keeni kartaa dhibaatooyin dheeraad ah haddii xalalka kale ee dhaqaale aan la helin.

Soomaaliya ayaa weli ku jirta xaalad adag oo dhaqaale, waxaana loo baahan yahay wada-shaqeyn iyo xalal dhameystiran oo lagu xoojin karo amniga iyo dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here