Mareykanka oo ka Digay Wareero Ku Soo Wajahan Muqdisho

0

MUQDISHO [SMN] – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartay digniin ku saabsan weeraro suurtagal ah oo laga yaabo inay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, gaar ahaan meelo muhiim ah oo ay ku jiraan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

 

Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in ay raadinayaan macluumaad la xiriira weeraradaasi, isla markaana la joojiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqyada Safaaradda ilaa amar dambe.

Safaaradda Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqday in dadka ku sugan Muqdisho ay ka digtoonaadaan goobaha xasaasiga ah oo ay ka mid yihiin xarumaha muhiimka ah ee magaalada, iyadoo weli la qiimeynayo khatarta la xiriirta weeraradaasi.

Digniintan ayaa timid xilli Muqdisho ay ku soo kordheen cabsi ku saabsan amniga, iyadoo ay kordheen weerarada lagu beegsanayo goobo muhiim ah. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hawlgashay sidii looga hortagi lahaa weeraradaas, waxaana la filayaa inay sameeyaan tallaabooyin dheeri ah si loo xoojiyo amniga.

Dhinaca kale, shacabka Muqdisho ayaa ka muujiyay welwelka sare ee ku saabsan xaaladda amni ee magaalada, iyadoo qaar ka mid ah dadka deegaanka ay muujinayaan in xaaladda amni ay sii xumaanayso, taasoo sababi karta in shacabka ay ka sii baqaan inay ka qayb qaataan hawlaha maalinlaha ah.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Soomaaliya iyo Safaaradda Mareykanka ayaa wadajir uga shaqeynaya sidii looga hortagi lahaa halistaas, iyadoo laga taxadarayo weeraro suuragal ah oo saameyn ku yeelan kara dadka shacabka ah ee ku nool Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here