Mareykanka oo ka walaacan saameynta Turkiga ku yeelanayo Soomaaliya

0
US President Donald Trump looks on after delivering an update on "Operation Warp Speed" in the Rose Garden of the White House in Washington, DC on November 13, 2020. (Photo by MANDEL NGAN / AFP)

MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Turkiga ayaa loolan adag kala kulmaya qaar ka mid xulafada xiriirka la leh Soomaaliya, oo doonayo in hoos loo dhigo saameynta Turkiga ee Soomaaliya, gaar ahaan heshiisyada khayraadka ee Turkiga uu la galay Soomaaliya, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen diblomaasiyiin Soomaali ah, oo walaac ka muujiyay inay Soomaaliya dhexda u geli karto loolan ay dalalka ugu jiraan helitaanka heshiisyada khayraadka oo shidaalka iyo macdanta ay ku jiraan.

 

Dawladda Federaalka ayaa illaa hadda diidma kala hortagaysa cadaadiska ay la kulmayso ee ka dhanka ah Turkiga ,iyadoo Turkiga uu dhankiisa sare u qaadayo joogitaanka Soomaaliya oo la filayo inuu dhawaan door milatari iyo taageerraba ku yeesho dagaalka ka dhanka ah AS, halka isla dhaqdhaqaaqyada AS lala xiriiray inay door ku leeyihiin dalal shisheeye, tan oo suragal ka dhigayso inay Soomaaliya wajahayso isbeddelo leh saameyn siyaasadeed iyo mid juquraafi.

Mareekanka oo horay ba u saluugsanaa heshiisyadii Dowladaha somaliya iyo turkiga Ee dhanka shidaalka ayaa sidoo kale ka gariiray in Turkiga uu door kale oo muuqda ka qaadanaayo xiligan taageerada Military Ee ay h baahantahay Somaliya

Dhowaan diyaarada militry oo Turkiga leeyahay ayaa timid Muqdisho waxaa ay na keentay Saanad Ciidan iyo 2 Diyaaradood oo ah kuwa Casriga Ee fuliya duqeymaha

Turkiga waxaa uu Somaliya ku leeyahay Saldhiga ugu weyn Ee Marka loo eego Qaarada Africa, Xerada Turksom oo uu ku tababaro Ciidamada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here