Mareykanka oo ka walaacsan awoodda kordheyso ee Daacishta Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha AFRICOM ayaa sheegay in Daacishta Waqooyiga Soomaaliya ay sii kordhayso awoodeeda, islamarkaana hadda tiro ahaan dagaalyahanadeeda ay ka badan yihiin sanadihii hore, taasoo muujinaysa in Kooxda isku diyaarinayso inay weeraro ka fuliso Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka Geeska Afrika.

 

“Waxaan ka walaacsanahay qaybta waqooyi ee Soomaaliya oo Daacish kusii xoogeysanaysa,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Michael Langley.

Langley ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo qiyaasta Maraykanka ee tirada dagaalyahanada Daacish ee Soomaaliya jooga, isagoo wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in kooxdu ay ku kortay “laba laab” marka loo eego sannadkii la soo dhaafay. Qiyaastii hore ayaa lagu sheegay tirada dagaalyahanada Daacishta Soomaaliya ilaa 200 oo ajaaniib ku jiraan.

Taliyaha AFRICOM ayaa ka digay suurtagalnimada in Daacish ay kordhiso joogitaanka dagaalyahanada shisheeye ee Soomaaliya, iyadoo warbixin dhawaan soo baxday lagu sheegay in hogaamiyaal sare iyo xubno Daacish ah oo Suuriya iyo Iraq ku sugan in ay ka fekerayaan inay usoo wareegaan Soomaaliya.

C/qaadir Muumin, oo garab taabacsan Daacish ku aas-aasay buuraha gobolka Bari sanadkii 2015, ayaa sanadkii hore noqday hogaamiyaha ugu sareeya Ururka kadib markii Mareykanka uu Suuriya ku  dilay 2022 hogaamiyaha 1aad oo lagu magacaabi jiray Abu al-Hussein al-Qurayshi oo mudo kooban xilka hayay.

Cabdi Xasan Xuseen, Taliyihii hore ee Nabadsugidda iyo Booliska Puntland, ayaa horaantii sanadkan VOA u sheegay in tirada dagaalyahannada Ajaanibka ah ee Daacish ee Puntland ku sugan lagu qiyaaso boqollaal dagaalyahan. Tiradan wali ma aysan xaqiijin maamulka Puntland oo dagaal kula jira Kooxda .

Sarkaal Mareykan ah ayaa VOA u sheegay bishii June in Cabdulqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, lagu bartilmaameedsaday duqeyn uu Mareykanku ka geystay bishii May gobolka Bari. C/qaadir Muumin ayaa u muuqda inuu ka badbaaday duqeynta, sida ay xogaha Sirdoon sheegayaan.

AFRICOM ayaa sheegtay in Kororka dagaalyahanada Daacish ayaa ku soo beegmaya xilli Al-Shabaab ay ka faa’iidaysanayso khilaafka diblamaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiska Badda Somaliland, iyadoo kooxda fulisay weeraro dhowr ah oo ugu dambeeyay qaraxii dhawaan Muqdisho ka dhacay.

Al-Shabab ayaa haysata inta u dhaxaysa 12,000 ilaa 13,000 oo dagaalyahan, iyadoo Kooxda helayso dhaqaale xoog leh oo ku maalgelinayso weeraradeeda, sida ay saraakiisha sare ee wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka u sheegeen VOA bishii June.

Tan iyo markii xiisadda la xiriirta badda ay billaabatay, waxaa istaagay iska kaashiga  dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya ee la dagaalanka Al-Shabaab, sida uu Langley uu VOA u sheegay. Mareykanka ayaa xulufo la ah Itoobiya, wuxuuna sidoo kale Soomaaliya ka taageeraa dagaalka Al-Shabaab, iyadoo dalka ka joogaan boqolaal askari oo fuliyo duqeymaha cirka ee lagu taageero howlgallada Ciidanka xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here