Mareykanka oo mar kale taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, Molly Phee ayaa sheegay in dalkiisu uu Midowga Afrika, IGAD, iyo ururrada kale ee caalamiga ah la wadaagayo aragtida ah in la  ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 

Waxaan walaac ka qabnaa in heshiiska is-afgarad ee la soo jeediyay uu wax weyn u dhimi karo halganka aan wadaagno ee sidoo kale Itoobiya ay uga qeybqaadaneyso  la dagaalanka Al-shabaab iyo saameynta xun ee ay ku leedahay dadka Soomaaliyeed ayuu yiri kaaliyaha xoghayaha.

Kaaliyaha ayaa xusay in uu  taageersan yahay  wada-hadallada u dhexeeya dadyowga Soomaaliya iyo Somaliland ,kaas oo ku saabsan in mustaqbalka ay wadaagaan arrimahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here