Mareykanka oo sheegay in duqeyn ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al Shabaab

0

GALCAD (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in weerar dhanka cirka ahaa ay ku beegsatay xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

 

Duqeyntan oo lagu dilay ugu yaraan 5 ka mid ahaa Al Shabaab ayaa ka dhacday degaanka Hareeri Kali oo qiyaas ahaan 15km dhanka koonfureed uga beegan Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Africom.

Qoraalka Taliska Africom ayaa lagu xusay in duqeytan aysan wax khasaaro ah ka soo gaarin Shacabka ku dhaqan Degaanka Hareeri Kali.

Hadalka Mareykanka ayaa imaanaya maalin kadib markii Dowladda Soomaaliya ay shaacisay in 100 ka mid ahaa Al Shabaab lagu dilay howlgal ay ka fuliyeen duleedka Degmada Galcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here