Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska Somalia iyo Itoobiya

0

WASHINGTON (SMN) – Maraykanka ayaa soo dhaweeyay heshiiskii 11-ka bishan lagu gaarey magaalada Ankara, ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo uu dhex dhexaadiyay madaxweyne Erdogan.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku tilmaantay heshiiska mid dhanka wanaagsan loo qaadey oo dib u xaqiijinaya ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

“Waxaan u mahadcelineynaa dowladda Turkiga fududeynta heshiiska. Waxaan rajeyneynaa wada xaajoodyo inay Itoobiya kala gasho dowladda Soomaaliya helitaan dekadda iyo isticmaalka badda si labada dal u helaan faa’iido dhaqaale iyadoo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku dhiirigeliyay Itoobiya iyo Soomaaliya inay xoojiyaan iskaashiga amniga, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here