Addis Ababa, Juun 9 — Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Massinga, ayaa sheegay in Mareykanku si buuxda u taageersan yahay dadaallada Itoobiya ee ku aaddan sidii ay marin badeed rasmi ah ugu heli lahayd waddooyin nabadeed iyo diplomasiyadeed, isagoo arrintan ku sheegay mid muhiim u ah kobaca dhaqaale ee dalkaasi.
Isagoo la hadlayay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) Khamiistii, Safiir Massinga ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay marin ganacsi oo bad ah, isagoo yidhi: “Itoobiya oo leh dhaqaale si degdeg ah u koraya iyo qorshayaal horumarineed oo waaweyn, waxay u baahan tahay marin badeed si ay u xaqiijiso himilooyinkeeda dhaqaale iyo isku xirka gobolka.”
Massinga wuxuu intaas ku daray in dowladda Mareykanka iyo safaaradda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay inay ka caawiso Itoobiya sidii ay ugu guuleysan lahayd helitaanka marin badeed — iyadoo la adeegsanayo waddooyin ganacsi iyo kuwo diblomaasiyadeed oo nabadeed.
“Ilaalinta xuquuqda marin badeed iyo kobcinta isku xirka gobolka iyada oo loo marayo waddooyin nabadeed iyo ganacsi waa mudnaan muhiim ah oo Mareykanku taageero buuxa u hayo,” ayuu yiri safiirka.
Itoobiya, oo aan lahayn xeeb, ayaa muddooyinkan danbe waday dadaallo is-kaashi goboleed ku saleysan si ay u hesho dekad rasmi ah, iyadoo sheegtay in qorshayaasheeda ay dan u yihiin gobolka oo dhan. Dadaalladaasi waxay heleen aqoonsi iyo taageero caalami ah.
Dhanka kale, Addis Ababa ayaa dhameystir ku dhow mashruuca dhismaha xarunta cusub ee taliska ciidamada badda Itoobiya, iyadoo ay dhismahaasi marayo heer 95% la dhammeeyay.
Xarunta oo ku taalla aagga Janmeda ee caasimadda, waxay ku fadhidaa dhul dhan 3 hektar, waxayna ka koobantahay dhisme afar dabaq ah oo leh xafiisyo, hoolal shirarka, rug caafimaad iyo goobaha cayaaraha.
Inkasta oo Itoobiya aysan lahayn xeeb rasmi ah, masuuliyiinta dalkaasi waxay sheegeen in ciidanka badda uu muhiim u yahay ilaalinta marinada ganacsi, xiriirka badda ee mustaqbalka, iyo la falgalka khataraha caalamiga ah ee dhinaca badda.
Horaantii sannadkan, Itoobiya waxay saxiixday heshiis iskaashi ciidan oo dhanka badda ah la yeelatay dowladda Ruushka, taasoo qeyb ka ahayd horumarinta iyo tababarka ciidanka badda. Saraakiil sare oo milatari ah ayaa sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Moscow.




