Mareykanka oo Weli Sii Adkaysanaya Go’aanka Maalgelinta AUSSOM

0
William W Popp, US Ambassador to Uganda addresses journalists as Daniele Nyirandutiye, USAID Uganda Mission Director looks on during a press briefing about US Government assistance in the health sector at the American Center in Kampala on 30th April 2024. Photo by Juliet Kasirye

KAMPALA – Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in go’aankeeda ku saabsan hakinta maalgelinta Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee AUSSOM uu yahay mid aan waxba laga beddelin, sida uu sheegay Danjiraha Mareykanka ee Uganda, William W. Popp.

 

Danjire Popp ayaa sheegay in Mareykanka aanu wax isbeddel ah ku sameynin siyaasadda uu u dejiyey taageerada AUSSOM, taasoo la hakiyey sanadkii hore, sababo la xiriira walaacyo dhinaca hufnaanta iyo isla xisaabtanka hawlgalka ah.

“Go’aanka Mareykanka ee ku saabsan maalgelinta AUSSOM weli isma beddelin tan iyo sannadkii hore,” ayuu yiri danjiraha, isagoo la hadlayay warfidiyeenka magaalada Kampala.

Mareykanka ayaa intaa ku daray inuu sii wado taageerada dhinacyada kale ee amniga gobolka, sida tababarka ciidamada iyo mashaariicda laba-geesoodka ah ee la xiriira sugidda nabadda iyo gargaar bani’aadamnimo.

Uganda, oo ah mid ka mid ah waddamada ugu waaweyn ee ciidamo u dira hawlgalka AUSSOM, ayaa marar badan dalbatay in beesha caalamka ay kordhiso taageerada la siiyo hawlgalka, si loogu guuleysto howlgallada lagula dagaallamayo xagjirnimada iyo xasilooni darrada gobolka Geeska Afrika.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Mareykanku uu weli wadahadallo kula jiro saaxiibada gobolka si dib loogu eego habka loo wajahayo maalgelinta hawlgalka AUSSOM mustaqbalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda weli kama aysan falcelin hadalka danjiraha Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here