Mareykanka oo xaqiijiyay dilka hohaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

0

WASHINGTON – Militeriga Mareykanka ayaa shaaciyay in duqeyn ay Gobolka Shabeellaha Hooseka fuliyeen 24-kii December, iyagoo iskaashanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ku dileen hogaamiye sare oo kamid ahaa Al-Shabaab.

 

Maxamed Mire, oo sidoo kale loo yaqaaney Abu Cabdiraxmaan, ayaa isaga iyo xubin kale oo Al-Shabaab katirsanaa lagu dilay duqeynta laga fuliyay meel qiiyastii 10km koonfur-galbeed kaga beegan degmada Kuunya-Barrow

Maxamed Mire wuxuu kamid ahaa maamulka sare ee Al-Shabaab mudo 15-kii sano ah, sida ay sheegtay AFICOM. Marka laga soo tago inuu ka mid ahaa xubnihii ugu mudada dheeraa Al-Shabaab, Hogaamiyahan waxa uu soo qabtay xil u dhigma wasiirkii arrimaha gudaha, waxaana uu door muhiim ah ka qaatay go’aannada istaraatiijiga ah ee kooxda.

Oktober 17, 2022, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku waxay u aqoonsatay Maxamed Mire inuu yahay argagixiso caalami ah oo si gaar ah loogu asteeyey liiska dadka la baadi-goobayo. Al-Shabaab ayaa dhankeeda xaqiijisay dhimashadda hogaamiyahan, iyadoo aan bixin macluumaad dheeri ah marka laga reebo inay Mareykanka ku eedeysay dilkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here