WASHINGTON – Khatarta Al-Shabaab ayaa kordhaysa sababo la xiriira iskaashiga ay la leeyihiin Huutiyiinta Yemen, sida uu sheegay taliyaha ugu sareeya ee ciidamada Mareykanka ee Afrika Khamiistii.
Ciidamada Mareykanka ayaa bilaabay ololaha ballaaran ee lagu bartilmaameedsanayo kooxda tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu xilka qabtay.
Toddobaadkii hore, ciidamada Mareykanka ayaa fuliyay duqeyn cirka ah gudaha Soomaaliya, taasoo lagu dilay xubno ka tirsan ISIS, sida ay sheegtay (AFRICOM).
Taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley ayaa sheegay in Mareykanku uu si adag u garaacayo al-Shabaab.
“Madaxweynaha iyo xoghayaha difaaca ayaa i siiyay awoodo dheeraad ah,” ayuu yiri Langley isagoo la hadlayey sharci-dejiyayaasha Gudiga Ciidamada Senate-ka (SASC). “Hadda waxaan haystaa awood aan ku garaaco Al-Shabaab si adag,” ayuu sheegay.
Maamulka Trump ayaa awoodaha u qaybiyay xoghayaha difaaca ilaa taliyaha hawlgalka si go’aan qaadashada loogu dhigo mid dhaqsiyo leh. Tani waxay ka duwan tahay maamulka Biden, oo laga raadin jiray fasax inuu kasoo saaro White House ka hor duqeymaha.
Ololaha Mareykanka ee lagu xakameynayo Huutiyiinta Yemen, ayaa kordhaya, iyadoo Trump wado duqeymo ka dhan ah kooxdaas Iran ku xiran iyo kuwa xiriirka la leh, sida Al-Shabaab.