Mareykanka oo jawaab ka bixiyay eedeyn uga timid Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa ka hor yimid eedeyn uga timid dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan in duqeymo ay fuliyeen dad shacab ah ay khasaaro ka soo gaartay.

 

Al-Shabaab ayaa ku eedeeyay taliska Mareykanka ee AFRICOM in duqeymo ay ka fuliyeen deegaanka Ceel la helay ee gobolka Galgaduud ay ku dileen dad rayid ah.

Balse taliska AFRICOM ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dadka rayidka ah ay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay howgal ay halkaasi ka fuliyeenka ciidanka dowladda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in uu soo qaaday dhaawacyada dadka ku dhaawacmay howgalada isla markaana uu xaaladooda caafimaad xiligan gacanta ku hayo.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa xusay in howgalkaasi sidoo kale ciidanka dowladda Soomaliya ay ku dileen 3 hoggaamiye oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka socdo guluf xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu socdaalo ku kala bixinayo furimaha dagaalka ee Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here