MUQDISHO (SMN) – Koox loo maleynayo burcad badeed ayaa gacanta ku dhigay oo markii dambena sii daayay markab lala xiriirinayo Israa’iil oo marayay xeebaha Yemen, gaar ahaan biyaha gacanka Cadmeed oo ku dhaw dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada badda ee Mareykanka.
Markabka Central Park oo ah nooca shidaalka qaada ayaa marayay xiliga weerarka meel 110 kiiloomitir waqooyi bari uga beegan Soomaaliya oo kamid ah gacanka Cadmeed.
Ciidamada Badda Mareykanka ayaa ka wargelay weerarka kadibna u gurmaday Markabka, taasoo sababtay inay kooxda burcadka ah ay ka cararaan.
Weerarka ayaa ka dhacay qeyb ka mid ah gacanka Cadmeed oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Yemen, waxaana aad uga fog yahay dhulka ay Xuutiyiinta ka taliyaan. Burcadbadeeda Soomaalida ayaan la ogeyn inay ka howlgalaan deegaankaas.
Markabka shaqaalihiisa oo ka kooban 22 badmaax oo u kala dhashay Bulgaria, Georgia, India, Philippines, Russia, Turkey iyo Vietnam aysan waxba gaarin.