MUQDISHO – Markab kalluumeysi oo ay leedahay shirkad Shiinees ah, kaas oo burcad badeed ku afduubteen xeebaha Soomaaliya bishii November, ayaa lagu guuleystay in lasii daayo iyada oo uu saarnaa shaqaale 18-qof ah, sida ay Isniintii shaacisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.
Qoraal ay safaaradda ku daabacday barta X (horey loo oran jiray Twitter), ayay ku sheegtay in shaqaalaha la badbaadiyay Isniintii kadib “dadaallo joogto ah oo ay sameysay dowladda Shiinaha.”
“Dowladda Shiinaha si adag ayay u cambaareyneysaa falkan foosha xun oo halis geliyay badbaadada shaqaalaha iyo amniga marin-biyoodka caalamiga ah. Waxaana ay sii wadi doontaa inay si adag u difaacdo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinteeda iyo shirkadaheeda ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Markabkan iyo shaqaalihiisa ayaa laga afduubtay dhammaadkii bishii November waxaana loo qaaday degmada Xaafuun ee maamul-goboleedka Puntland, oo ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya. Burcadda ayaa markii dambe dalbaday madax furasho dhan $10 milyan.
Lama xaqiijin haddii lacagtaasi la bixiyay.
Bayaanka safaaradda ayaa sidoo kale sheegay in Shiinaha uu si dhow ula shaqeynayay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland si loogu guuleysto sii deynta markabka iyo shaqaalihiisa.
Afduubkan ayaa mar kale iftiimiyay caqabadaha weli ka jira amniga badaha Soomaaliya. Soomaaliya waxaa muddo dheer dhibaataynayay burcad badeednimo, taasoo gaartay heerkeeda ugu sarreeyay sanadkii 2011, xilligaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar laga diiwaangeliyay xeebaha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, falalka burcadnimada ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo xilligaas, taasoo ay sabab u tahay joogitaanka maraakiibta dagaalka ee Maraykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ee ku sugan biyaha caalamiga ah.