Markabka Oruç Reis oo soo gaaray dekedda wayn ee magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo-gaaray Muqdisho, ayada oo sidoo kale uu dekedda ku soo xirtay markabka Turkish-ka ee Oruç Reis ee shidaal sahminta ka sameynaya Soomaaliya.

 

Waftiga Turkish-ka ayaa waxaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal kooban oo Villa Somalia ay soo dhigtay facebook.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in waftiga ay ka qeyb-galayaan munaasabadda soo dhawaynta markabka Oruç Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid Soomaaliya.

“Oruç Reis waxa uu gaaray goobtii howlgalkiisa kadib safarkiisii qaaradaha,” Bayraktar ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X.

“Imaatinka Baytaktar iyo wufuudda kale ee illaa shalay dalka soo gaarayay waxay caddeyn u yihiin sida ay dhacdada maanta loo taagan yahay u noqonayso daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaysa xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Markabka ayaa xeebta Istanbul ka soo dhaqaaqay 5-tii October kadib markii loo sameeyey xaflad sagootin ah, oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin Soomaali iyo Turkish ah, oo uu ka mid yahay madaxweyne Reece Tayyip Erdogan.

Howlgalka markabkan ayaa ka dambeeyey heshiis Iskaashi Difaaci iyo Dhaqaale oo ay kala saxiixdeen Ankara iyo Muqdisho.

Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda tamarta Turkey.

“Waxaan saadaalineynaa in goobta uu ka shaqeyn doono Oruc Reis ay tahay gobol leh rajooyin shidaal,” ayuu wasiirka tamarta Alparslan Bayraktar ku yiri bayaan uu soo saaray 3-dii October.

Waxa uu intaas ku daray in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah.

Sahminta ayaa la filayaa inay socoto ilaa toddoba bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here