Masar oo Cambaareysay Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya, una Gudbisay Cabasho Golaha Ammaanka

0

Qaahira – Dowladda Masar ayaa si adag u cambaareysay furitaanka rasmiga ah ee Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), iyada oo ku tilmaamtay tallaabo hal dhinac ah oo baal marsan sharciga caalamiga ah.

 

Masar ayaa Talaadadii warqad cabasho ah u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna sheegtay in mashruucu khatar weyn ku yahay danaha biyaha ee Masar iyo Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa ku eedeysay Itoobiya inay jebisay ballanqaadyadii hore iyo baaqyadii caalamiga ahaa, islamarkaana ay si iskeed ah u waddo buuxinta iyo hawlgalka biyo-xireenka. Masar waxay ku adkeysatay in aysan aqbali doonin wax natiijo ah oo ka dhasha mashruuca GERD haddii aan heshiis rasmi ah lagu gaarin.

Qaahira ayaa sheegtay in ay muddo dheer dulqaad sameysay, dooratayna waddada diblomaasiyadda, balse taas aan looga fahmin tabar-darro. Waxay sidoo kale uga digtay Itoobiya in aysan u arkin in Masar ay ka aamusi doonto danahaheeda nololeed ee wabiga Nile.

Biyo-xireenka GERD ayaa lagu dhisay wabiga Blue Nile, waxaana lagu qiyaasay inuu ku kacay $4 bilyan, iyadoo barkadda biyaha lagu kaydiyo ay gaareyso 74 bilyan mitir kuyuub. Buuxinta biyo-xireenka ayaa la sameeyay tan iyo 2020 iyadoo aan heshiis qaanuuni ah lala gaarin Masar iyo Suudaan.

Masar iyo Suudaan ayaa marar badan ka digay in buuxinta iyo hawlgalinta biyo-xireenka si hal dhinac ah ay si xun u saameyn karto qulqulka biyaha, gaar ahaan xilliyada abaaraha. Masar ayaa sheegtay in ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo uu oggol yahay sharciga caalamiga ah si ay u difaacdo danaha shacabkaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here