Masar oo Soomaaliya ka taageeraysa dagaalka Al-Shabaab

0

QAAHIRA [SMN] – Heshiis cusub oo wadajir ah oo ay uga kala saxiixdeen Qaahira hoggaamiyayaasha Masar iyo Soomaaliya Khamiistii ayaa lagu caddeeyey go’aanka dowladda Al-Siisi ee taageeradda Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab iyo soo celinta amniga iyo xasiloonida dalka.

 

Dowladda Masar waxay sheegtay inay taageero milatari oo buuxda siinayso dowladda Soomaaliya si uga guuluga gaarto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab mudo ka badan 15 sano, iyada oo loo marayo heshiiska iskaashiga milatari ee lagu saxiixay magaalada Qaahira bishii August ee 2024.

Taageeradan milatari waxay ujeedadeedu tahay in Soomaaliya ay awood u yeelato in ay la wareegto amniga qaranka oo hadda ku tiiran Ciidamada Midowga Afrika, iyadoo ka faa’iidaysanaysa khibrada Masar ee dagaalka, sida uu sheegay sarkaal u hadlay dowlada Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Al-Siisi heshiiskii Khamiista ay kala saxiixdeen ayaa qeyb ka ah amniga, oo Masar balan-qaadey inay siinayso Ciidamada Soomaaliya tababarro khaas ah iyo is-weydaarsi xogaha sirdoonka Hay’adaha sirdoonka labada dal.

Wasaaradaha difaaca ee Masar iyo Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay fulinta heshiiska difaaca, oo ku xusan hababka lagu xoojin karo xiriirka milatari ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo hubeynta Ciidamada dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wasaaradaha difaaca ayaa ka shaqeyn doona buuxinta baahiyaha ciidanka qaranka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan ee milatariga, iyadoo si gaar ah loo diiradda saarayo la dagaallanka Al-Shabaab iyo xaqiijinta amniga xuduudaha dhulka iyo badda ee Soomaaliya.

Labada dal ayaa sii wadi doona xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gudaha ee Masar iyo Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya si loo hormariyo dadaallada ku aaddan fulinta sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here