Masar oo war cusub kasoo saartay heshiiska badda ee lala galay Itoobiya

0

QAAHIRA (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS musane Axmed Macallin Fiqi ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Masar uga mahadceliyey mowqifka cad ee ay ka taagantahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax banaanida Soomaaliya.

 

Shir jaraa’id oo ay Qaahira ku wada qabteen wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayuu Abdelatty ku sheegay in Masar ay gardarro u aragto heshiiski ay wada gaareen Ethiopia iyo maamulka gobolada woqooyi ee Somaliland.

“Waxa aan adkaynaynaa dhowridda Qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa ay Masar si dhammaystiran ugu gacan-seyrtay tallaabo waliba oo ujeedkeedu yahay mid dhaawacaysa midnimada Soomaaliya iyo bedqabka dhulkeeda, waxa aan sidoo kale markale ku celinaynaa inaan si buuxda u diidannahay is-afgaradka la saxiixay, waxaanan adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax bannaanida Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar.

Xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa weli taagan, waxaana go’ay xiriirkii labada dal oo daris ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here