Masar oo xaqiijisay qorshe ay ciidan ugu soo direyso Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wareysi uu dhawaan siiyay Tv-ga Al-Qahera News ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdel Aati ku sheegay in dalkiisa ay weli ka go’an tahay inuu Soomaaliya ka taageerto adkeynta ammaankeeda iyo difaaca madax-banaanideeda, isagoo heshiiska badda Itoobiya la gashay Somaliland ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

 

Hadalka Badr Abdel Aati ayaa ku soo beegmay maalmo  ka dib markii Masar, Soomaaliya, iyo Ereteriya ay ku heshiiyeen qorshe cusub oo lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo tayo leh, si ay u difaacaan xudduudaha badda iyo bariga dalkooda kana hortagi kara faragelinta dibadda.

“Masar waxay diyaar u tahay inay bixiso taageero kasta oo ay u baahan tahay Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka, isagoo farta ku fiiqay faragelinta Itoobiya oo uu sheegay inuu keeni karo colaad ka dhacda gobolka Geeska Afrika.

Itoobiya ayaa soo wajahay walaac xoogan oo uga imaanaya isbahaysiga cusub ay sameysteen Masar, Soomaaliya iyo Eritrea, kaasoo kusoo aaday iyadoo sii kordhayso xiisada badda cas, iyo colaadaha gudaha ee Itoobiya oo qeylo dhaan ka soo saareen dalalka gobolka.

Go’aanka Masar ay ciidamadeeda ugu daabuleyso Soomaaliya wuxuu muujinayaa istiraatiijiyad ballaaran ee Qaahira ay ka leedahay gobolka Geeska Afrika, iyadoo doonayso inay saameyn militeri ku yeelato si Itoobiya ugu cadaadiso inay ka laabato dhameytirka mashruuca biyo-xireenka Nile.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsaneyd howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kaasoo meesha ka baxaya bisha December 2024, iyadoo Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso ammaankeeda sidii ula wareegi lahayd, oo u dhisan lahayd Ciidan awood badan oo buuxiya booska askarta shisheeye.

Heshisika Masar iyo Ereteriya, Soomaaliya waxay ku heli kartaa agabka iyo khibradaha milateri ee lagama maarmaanka u ah sugidda amniga xuduudaheeda iyo kor u qaadista difaaceeda badda ee khataro soo wahahaya hadda, oo ay ku jiraan burcad-badeedda iyo kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Ku lug lahaanshaha Masar ee Soomaaliya waxay keenyay walaac badan, waxaana dadka qaar ka digayaan inuu dalka dhexda ka galo colaad u dhhaxaysa quwadaha isku haya Biyah webiga Nile, islamarkaana uu noqdo saaxad ay ku dagaalamaan.

Tan iyo markii labada dal galeen heshiiska difaaca bishii August ee sanadkan, Masar ayaa labo diyaarad oo military iyo markab usoo dirtay Muqdisho, kuwaasoo keenay hub kala duwan, oo hordhac u ah imaanshaha Ciidamada Masaarida ee dalka, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika oo January 2025 billaaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here