Masar oo Xoojisay Taageeradeeda ku Aaddan Xasiloonida Soomaaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty ayaa ka qaybgalay kulan fogaan-arag ah oo yeeshay Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika (PSC) oo heer wasiirro ah, kaasoo looga hadlayay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya iyo geedi socodka kala-guurka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) una gudbaya Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

 

Wasiirka ayaa ku adkeystay taageerada joogtada ah ee Masar u hayso amniga, xasilloonida, midnimada iyo ilaalinta dhul-weynaha Soomaaliya.

Badr Abdelatty wuxuu bogaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku soo celinayso amniga iyo xasilloonida, iyo sidoo kale xooggeynta maamul wanaaga iyo hay’adaha dowliga ah ee dalka oo dhan.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu mar kale xaqiijiyay midnimada Masar ay la leedahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo taageerada ay siineyso sidii loo xoojin lahaa awoodda hay’adaha qaranka Soomaaliyeed iyo si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejin lahaa ciidamada amniga Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale muujiyay walaaca Masar ee ku aaddan caqabadaha amni ee haatan ka jira Soomaaliya, gaar ahaan kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si habsami leh oo isku xirnaan leh loogu gudbo Hawlgalka ATMIS una wareego Hawlgalka AUSSOM.

Wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo la qaado ay tahay mid lagama maarmaan u ah ilaalinta guulihii amni ee la gaaray iyo ka hortagga meelaha amni darrada laga faa’iidaysan karo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah oo waara loo siiyo AUSSOM taageero dhaqaale oo ku filan si hawlgalkaasi u fuliyo waajibaadkiisa si buuxda, isagoo digniin u jeediyay in haddii aan la helin maalgelin ku filan ay hoos u dhici karto awoodda hawlgalka, taasoo saameyn ku yeelan karta guud ahaan Geeska Afrika iyo bulshada caalamka, isla markaana carqaladeyn karta waddooyinka ganacsiga badda iyo kor u qaadi karta hanjabaadaha argagixisada.

Ugu dambeyntiina, Wasiir Badr Abdelatty ayaa xaqiijiyay go’aanka Masar ee ah in ay sii waddo taageerada Soomaaliya heer laba geesood iyo mid caalami ah, iyadoo loo marayo barnaamijyo lagu dhisayo awooda hay’adaha, tababarida shaqaalaha, taageerida hay’adaha amniga iyo kuwa madaniga ah, iyo ka qeyb qaadashada gargaar bini’aadantinimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here