Maskaxdii Qaraxyada Al-Shabaab oo lagu dilay Howlgal Qorsheysan

0

Muqdisho — Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo la fuliyay 10-kii bishii December ka sameeyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu dilay laba horjooge oo sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

 

Horjoogeyaasha la dilay ayaa kala ahaa Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo loo yaqaannay Injineer Ismaaciil, iyo Cabdikariin Maxamed Xersi, oo naanaystiisu ahayd Qoorleex.

Injineer Ismaaciil ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sarreeya uguna khatarta badan Al-Shabaab, isaga oo ahaa hoggaamiyaha iyo maskaxda u qaabilsan qaraxyada, maleeshiyaadka ay kooxda u taqaan Amniyaadka, iyo qeybta marin-habaabinta ee Al-Kataaib.

Sida lagu sheegay wararka amniga, Injineer Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa horjoogeyaasha sida gaarka ah loo doon-doonayay, waxaana madaxiisa saarnaa abaalmarin lacageed oo gaareysay 5 milyan oo doollar. Waxa uu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii 14-kii Oktoobar iyo weerarro kale oo badan oo lagu beegsaday hantida iyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex) ayaa isna ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Al-Shabaab, waxaana si gaar ah loogu xil-saaray isku-duwidda howlaha kooxda ee deegaannada Jubbooyinka.

Howlgalkan bartilmaameedka ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa si guul ah u dhacay, waxaana lagu soo afjaray halistii iyo dhibaatooyinkii ay horjoogeyaashani ku hayeen shacabka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen hay’adaha amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here