Mas’uuliyiin iyo shacab ka qayb-galay dibad-bax ka dhacay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Xildhibaano iyo boqolaal shacab ah ayaa maanta xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis uga qeybgalay Banaabax weyn, kaas oo halkudhig looga dhigay ololaha ciribtirka Khawarijta iyo naqdinta ficiladooda guracan.

 

Sidoo kale banaanbaxaan ayaa maanta waxaa qeyb ka ahaa shaqaalaha iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee hay’adda SoDMA iyo shacab badan oo iskaga kala yimid degmooyinka Muqdisho, kuwaas oo watay boorar ay ku xardhan-yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah Kooxaha Khawaarijta , iyagoo shacuurtooda ku muujiyay sida ay ugu soo horjeedaan xasuuqa ay kooxda Khawaarijta la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mahamuud Moallim Abdulle ayaa sheegay in Dhallinyaradu yihiin halboolaha wadanka, khawaarijtana ay doonayso in ay indhaha naga rido, loona baahanyahay in wixii awood ah la iskugu geeyo sidii dalkeenna khawaarijta looga saari la ahaa.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here