Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya — Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq isugu jirta xoolo nool, mootooyin iyo agab kale gaarsiiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Deeqdan ayaa si gaar ah loo gaarsiiyay ciidamada ku sugan deegaanka Jabad Godane iyo degmada Raage Ceelle, kuwaas oo ku jira furimaha hore ee dagaalka, islamarkaana ka shaqeynaya difaaca iyo sugidda amniga deegaannadaas.
Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Hirshabeelle ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid loogu talagalay dhiirrigelinta, garab istaagga iyo xoojinta niyadda (morale) ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogagga dadka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. Waxay sidoo kale ballanqaadeen in taageerada amni ee ciidamada la sii xoojin doono.
Mas’uuliyiintu waxay xuseen in tallaabadani ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyagoo adkeeyay in Hirshabeelle ay si buuxda u garab taagan tahay Ciidanka Xoogga Dalka.
Dhankooda, saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa uga mahadceliyay maamulka Hirshabeelle taageerada la gaarsiiyay, iyagoo sheegay in deeqdan ay kaalin weyn ka qaadan doonto fududeynta waajibaadka qaran ee saaran ciidamada iyo adkeynta amniga.
Xaaladda amni ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo howlgallo joogto ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan deegaanno badan. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgallada amni ee hareeraha deegaannadaas ay sii soconayaan, si looga hortago weerarro dambe.
Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda nabadgelyada iyo xasilloonida.



