XAAJI CALI, SHABEELLAHA DHEXE – Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wafdiga waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Geeddi Oomane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle, Taliyaha Booliska Hirshabelle Jeneraal Xasan Dhicisow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Muuse Shitaawe.
Booqashadan kormeerka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumadda Hirshabelle ku taageereyso ciidamada deegaanka ee ka qeyb qaadanaya howlgalka lagu xoreynayo deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada deegaanka ee ku sugan degmada Cadalle iyo deegaannada ku dhow ayaa la dhiirrigeliyay, maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin dagaalka lagu wado in Khawaarijta looga saaro gobolka.
Mas’uuliyiinta ayaa ku booriyay ciidamada in ay labanlaabaan dadaalkooda, iyagoo balan qaaday in dowladda Hirshabelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.








