Mas’uuliyiin sar sare oo ka qayb-galay askartii maanta lagu aasay Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Daahir Shire Maxamed ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ,masuuliyiin kale iyo duubabka dhaqanka ayaa magaalada Beledweyne uga qeyb galay salaadda janaasada AUN askartii dhowaan lagu dilay degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Askartaan ayaa dhawaan iyaga oo maraya degaan hoostaga degmada ceelbaraf waxaa jidka u galay maleeshiyaad hubeysan oo u beegsaday aano qabiil darteed.

Dhinaca kale, maxkamadda ciidanka ayaa soo sàartay waaran soo qabasha ah dadkii ka dambeeyay dilkaa foosha xun  si sharciga loo horgeeyo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here