Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa shalay kormeer ku tagay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, isagoo ka jawaabaya cabashooyin baahsan oo ka soo baxay shacabka Soomaaliyeed oo ku saabsan adeegyada liita ee garoonka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la hadlay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo maamulka garoonka, wuxuuna si adag ugu amray inay toddobaad gudahood wax ka qabtaan dhammaan cabashooyinka la xiriira adeegyada garoonka, gaar ahaan arrimaha mashiinnada iyo adeegyada muhiimka ah ee rakaabka.
“Waxaan rabnaa in garoonka Muqdisho uu noqdo mid u adeegaya shacabka si hufan oo tayo leh. Waxaan amray in toddobaad gudaheed la soo bandhigo qorshe cad oo lagu hagaajinayo adeegyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku sheegay in uu muddo laba toddobaad gudahood dib ugu soo laaban doono garoonka si uu u hubiyo horumarka laga sameeyay, islamarkaana uu qaadi doono tallaabo adag haddii aan isbeddel muuqda lagu sameyn adeegyada muhiimka ah.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii ay soo baxeen cabashooyin ku saabsan adeegyada garoonka, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed iyo dadka safarka ku jira ay ku tilmaameen kuwo liita oo aan waafaqsaneyn heerarka caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeystay in garoonka Muqdisho uu noqdo mid ka turjumaya horumarka dalka, isla markaana si wanaagsan uga jawaaba baahiyaha shacabka iyo martida caalamiga ah ee soo booqata Soomaaliya.



