Garoowe – Mas’uuliyiinta Dowladda Puntland ayaa markale si adag uga hadlay khilaafka u dhexeeya maamulkaas iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), iyaga oo ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu ka baxay wadadii dowladnimo ee lagu heshiiyay.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay in waqtigii la isu run sheegilahaa la gaaray, isagoo xusay in DFS aysan dib uga laaban wadadii ay horey u qaadday, taas oo uu ku tilmaamay mid ka fog wada-tashi iyo wadar-ogol.
“Dowladnimo lama sheegto oo la jabinayo, Madaxweynaha DFS damac gaar ah ayaa qaaday, waxaana ka muuqda in uu ka leexday dariiqii dimoqraadiyadda iyo wadashaqeynta,” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu ku soo laabto sharciyada iyo heshiisyadii lagu dhisay dowladnimada, islamarkaana uu joojiyo waxa uu ku tilmaamay “been isku sheeg” iyo “isku dayo kursi lagu dheereysanayo”.
Hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa imanaya xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh dhawaan furay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaas oo uu ka balan qaaday in uu furaayo wadaxaajoodyo siyaasadeed oo dhaxmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo DFS ayaa weli taagan, iyadoo wali aan la saadaalin karin halka uu salka dhigi doono.
Dowladda Federaalka ayaa dagaal kula jirta Al-Shabaab, oo wali gacanta ku haysa dhul biyo iyo magaalo isagu jira, oo koonfurta ku yaalla, halka Puntland la dagaalamayso ISIS.



