MUQDISHO (SMN) – Dabayaaqadii Abriil-2023 dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal kadhan ah musuqa iyo boobka dakhliga ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ayaa waxaa kamid ah garoonka diyaaraha ee Muqdisho oo bixiya adeegyo kaladuwan oo muhiim ah.
Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dadweyne ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata inay bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.
Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii kahorreeyey dadaalka dowladdu kugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.
Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomalaiyeed xog kooban oo aan helnay taas oo dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay
TT | Bisha | Kordhinta Fiisaha | Fasaxa shaqada | |
January-2023 | $423,950.00 | $036,500 | ||
February-2023 | $375,530.00 | $071,160 | ||
March-2023 | $268,840 | $78,770 | ||
April-2023 | $231,460 | $219,290 | ||
May-2023 | $361,470 | $386,060 | ||
June-2023 | $480,550 | $340,730 |