Maxaa ka jira in Itoobiya ay ka laabatay heshiiska ay la gashay Somaliland?

0

ADDIS ABABA (SMN) – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa beenisay in ay ka noqotay heshiiskii is afgarad ee ay la gashay Maamulka Waqooyi ee Somaliland.

 

War xafiiska Ra’iisulwasaare Abiye Axmed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in laga digtoonnado wararka been abuurka ah.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay baraha bulshada haystay warqad wadata summadda xafiiska dalka Itoobiya looga taliyo taas oo tilmaamaysay in Itoobiya ka baxday heshiiskii is afgarad ee sannadkan horraantiisii ay la gashay Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here