Maxaa ka jira inuu is casilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya?

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu is casilay, kadib markii si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

 

Wasiir Huruuse oo arrintan ka hadlay ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi, isaga oo meesha ka saaray inuu iska casilay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in haatan uu howlo shaqo ugu maqan yahay dalka dibaddiisa.

“ISMA CASILIN!. Wararka sheegaya in aan is casileyna waa been abuur lagu1 jahawareerinayo dadweynaha. Waxaan safar shaqo ugu maqnahay dalka dibeddiisa.
Waad mahadsantihiin” ayuu yiri Wasiirku.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa aad loo hadal hayay inuu jiro khilaaf soo kala dhex-galay wasiir Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) iyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here