Maxaa keenay in fowda u xirmo kulanka Golaha Shacabka?

0

Waxaa buuq iyo sawaxan uu ku soo idlaaday Fadhiga Baarlamaanka Golaha Shacabka kadib markii Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Madoobe uu keenay ajende ku saabsan in loo codeeyo xil ka uu waayay xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Xildhibaanada oo markii hore ka careysnaa go’aanka xasaanada looga qaaday mudane Abiib, ayaa billaabay buuq iyo fowdo, iyagoona jebiyay makaroonkii baarlamaanka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku dhowaaqay in uu xiran yahay kulanka maanta, kadib markii la xakameyn waayay buuqa.

Xildhibaan Saadaam Maxamuud Cabdi ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Madoobe uu ku tuntay sharruucda Golaah Shacabka, islamarkaana go’aankiisa uu yahay mid xadgudub ku ah xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha maadaama sida uu tilmaamay uu ku fashilmay howsha loo igmaday.

“Guddoomiye Madoobe waa fashilmay, waana wada waayay howlihii loo igmaday, sidaasi darteeed waxaan wadnaa mooshin xil ka looga qaadayo”, waxaa sidaasi yiri Mudane Saadaam.

Xildhibaanada buuqa sameeyay oo u badan mucaarad ayaa diidan go’aanka Madoobe ee uu xasaanada uga qaaday Xildhibaan Abiib kadib markii uu soo xaadiri waayay kulamada Golaha.

Go’aanka ayaa Xildhibaanadu ku tilmaameen in uu yahay mid aanu waafaqsanayn nidaamka baarlamaanka, isla markaana uu yahay mid sharci darro ah oo salka ku heysa dano siyaasadeed.

Si-kastaba, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa difaacayay go’aankiisa isagoo ku andacoonaya in xildhibaanku jabiyay sharruucda Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here