Maxaa looga hadlay kulankii Xasan Sheekh iyo Erdogan ee ka dhacay Ankara?

0

ANKARA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Istanbul.

 

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, waxay ka wada hadleen guulaha laga gaaray sahminta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska, iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha Turkiga ayaa mar kale adkeeyey garab-istaagga joogtada ah ee Turkigu u hayo Soomaaliya, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee iskaashiga labada dal uu ku leeyahay nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kawada hadlay xaaladaha guud ee gobolka, xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo fursadaha horumarineed ee ka dhasha ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Kulanka kadib, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id, iyagoo faahfaahin ka bixiyey natiijooyinka kulanka, mowqifyada ay ka wadaagaan arrimaha gobolka, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here