MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah, kaasoo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ,Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta amniga ee guud ahaan dalka, isku-dubaridka hey’adaha amniga, doorka bulshada ee xoojinta xasilloonida iyo diyaar-garowga Qaranka ee munaasabadaha ciidda, toddobaadka xorriyadda iyo u diyaar garowga imtixaanka shahaadiga ah.
Golaha, ayaa guul taariikhi ah oo ay gaartay Soomaaliya ku tilmaamay ka mid noqoshada Hey’adda Qaramada Midoobey ee horumarinta magaalooyinka iyo deegaanka ee (UN-HABITAT).
Shirka kadib, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta u ambabaxay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, halkaas oo uu ku tagayo casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxwaynaha Dalkaas.




