Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya?

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka, dardargalinta howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah, oo guulo waaweyn ay ka soo hooyeen ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

 

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka ee Magacaabista Maareeyaha iyo Maareeye ku Xigeenka hey’adda sharciyeynta Adeegyada Baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed, oo loo magacaabay in uu noqdo Mudane Cabdi Maxamed Xuseen, Maareeyaha Guud, halka Mudane Liibaan Cabdi Xasan, loo magacaabay Ku-Xigeenka.

kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad ku saabsan arrimaha Bartoolka iyo Gaaska oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyo Xeerka xarunta Shaqada ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

May be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 4 people and dais

— Dhammaad —

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here