Maxaa sababay Kormeerka Shaqo ku ee lagu sameynayo Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya?

0

MUQDISHO, Oktoobar 21, 2025 – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta, isaga oo indha-indheyn ku sameeyay howlaha iyo mashaariicda ay wasaaraddu ka wado dalka.

Mudanaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta wasaaradda, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiirka Hawlaha Guud, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiir Ku-xigeenka, Mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Agaasimaha Guud, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka sare ee wasaaradda.

Intii uu kormeerku socday, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa si gaar ah u eegay mashaariicda horumarineed ee wasaaraddu ka fulinayso dalka, gaar ahaan Mashruuca Nagaad, oo xooga saaraya dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka iyo biyo-xireennada, kuwaas oo ka socda qeybo badan oo dalka ah.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno iyo muuqaallo muujinaya waxqabadka wasaaradda ee la xiriira Barnaamijka Dan-Qaran — barnaamij ballaaran oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo dib u dhiska dalka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka booqashadiisa, isagoo carrabka ku adkeeyay in wasaaraddu ka go’an tahay hufnaan, daahfurnaan, iyo hirgelinta ballanqaadyada Xukuumadda Dan-Qaran, si loo dardargeliyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here