Maxaabiis Shabaab ah oo ka baxsatay xabsi ku yaalla magaalada Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay xabsi ku yaalla waooyiga magaaladaas ay ka baxsadeen maxaabiis Shabaab ah oo ku xirnaa xabsigaasi.

 

Afar kamid ah maxaabiista ayaa fakatay, waxaana sidoo kale jiro 9 kale oo ay soo qabteen ciidamada ammaanka oo howlgal ka daba tag ah sameeyay.

Maxabiista baxsatay oo horay loogu helay inay dilal iyo qaraxyo ka gaysteen Gaalkacyo ayaa ku xukunaa dil iyo xabsi daa’in, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Puntland oo ku aadan maxaabiista Al-Shabaab ee ka baxsatay xasbiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Horay ayaa sidaan oo kale isla xabsigan waxaa uga baxsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qaarkood la toogtay, halka ay ku kale ay u suuragashay inay dib ugu laabtaan kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here