Sawirro: Guddoomiye Maxamuud Macallin oo guddoomiyay shir ka dhacay Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md. Mahamuud Moallim Abdulle ayaa maanta Guddoomiyey shir gaar ah oo looga hadlayey xalaadaha bini’aadannimo ee ka jira degaannada dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka Jubbaland Maxamed Cusmaan Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale, waxaana si gaar ah looga hadlay.

➤ Ka hortagga leexsashada gargaarka bani’aadannimo.

➤ In hay’adda SoDMA xoojiso xiriirka hay’addaha ka shaqeeya xalaadaha deg-deg ah ee goobaha la xooreeyay iyo wasaaradda gargaarka jubbaland.

➤ In xal-waara loo helo dadka barakacyaasha ah.

➤ In SoDMA Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ka gacan-siiso sidii ay uga shaqeeyn laheed waajibaadka ka saaran howlaha bani’aadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here