Maxamuud Macallin oo tababar u furay howlwadeenada SoDMA + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulee, ayaa qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda kula dardaarmay in ay si wax-ku-ool ah kaga faa’iideystaan tababar lagu qaadanayo koorsooyin la xariira xirfadaha gargaarka deg-degga ah.

 

U jeedka tababarkaan ayaa ah, in dhammaan howl-wadeennada hay’addu awood u yeeshaan ka shaqeynta howlaha gargaarka degdegga ah xilliyada musiibooyinku dhacaan, isla-markaana ay waqti kasta aqoon ahaan diyaar u ahaadaan Jawaabaha caafimaad ee lama huraanka ah.

Howl-wadeennadaan ayaa noqonaya dufcaddii 3-aad ee ka faa’iideysta fursaddaan wax-barasho ee muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here