Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya maaraynta khataraha musiibooyinka

0

ROME (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa booqasho shaqo oo hal toddobaad ah ku tagay xarunta hay’adda Maareeynta Musiibooyinka u qaabilsan dalka Talyaaniga (Italian Civil Protection Department).

 

Wafdigu waxa ay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hay’adda oo kala ah; heer qaran, heer gobol iyo heer degmo. Ujeeddada booqashaduna waxa ay ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta Maareeynta Khataraha Musiibooyinka.

Waxaa booqashadaas Gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS.

Wafdiga ayaa mid mid u booqday xarumaha muhiimka ah ee Nidaamyada Maareeynta Khataraha Musiibooyinka heerakooda kala duwan ee Talyaaniga – (Saddexda heer ee: Heer qaran, heer gobol iyo heer degmo).

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in ay dardar geliyaan fulinta qorshe wax ku ool ah oo la isaga kaashanayo dhinacyada u diyaargaroowga iyo ka jawaab-celinta halisaha dabiiciga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here