Maxamuud Sayid Aadan oo la kulmay taliyaha ciidanka Ethiopia + Sawirro

0

ADDIS ABABA (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya ayaa kulan la qaatay Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia Field Marshal Birhanu Jula.

 

kulanka ayaana looga hadlay xaaladda Amniga, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka kooxaha Khawaarijta ee kusugan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Jubaland iyo isu socodka bulshada ku nool xuduudaha iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada labada Dal.

Kulankaan waxaa Madaxweyne ku xigeenka koowaad Ku wehliyay Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Jubaland, Mudane Axmed Baraaki (Zubeyr) iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Jubaland Mudane Mascuud Cabdulaahi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here