Maxay ka dhigan tahay la wareegitaanka amniga Madaxtooyada Qaranka?

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, Cabdicasiis Xildhibaan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan isbeddalka ka dhacay Villa Soomaaliya oo ay shalay amnigeeda la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa  sheegay in ATMIS oo lagala wareegay amniga madaxtooyada ay wax weyn uga dhigan tahay shacabka, ayna tahay guul taariikhi ah oo la gaaaray.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamada Soomaaliyeed ay ku filan yihiin ilaalinta amniga madaxda qaranka iyo sidoo kale xarumaha ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Xoogga dalka ay leeyihiin awood lagu kalsoonaan karo, taas oo ah mid ay ku wajaheen kooxda Al-Shabaab.

ATMIS ayaa horay u wareejisay xerooyin ciidan oo ku yaalla gobollada dalka, waxaana haatan qorshaha xiga uu yahay in lagala wareego garoonka iyo dekedda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here