Dhiiranaanta Xamza Cabdi Barre iyo Dhayalsiga Xasan Sheekh Maxamuud

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo lagu tilmaamo nin aad u dabacsan (jilicsan) ayaa qaaday mid kamid ah tallaabooyinkiisii ugu waa waynaa ee ku aadan howlaha horyaalla xukuumaddiisa, waxaana xalay Golaha Wasiirada oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ay soo farogeliyeen xiisadda ka taagan Muqdisho ee ka dhalatay arrimaha canshuuraha oo cabasho ay ka keeneen shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed, kadib markii lasoo rogay canshuurta iibka oo todobaadkan dhaqan-gashay.

 

Shirka ay yeesheen golaha wasiirada ayaa waxaa laga soo saaray qaraar muhiim ah oo lagu mamnuucay in dakhli dowladeed lagu shubo koonto bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA).

Sidoo kale golaha ayaa ku caddeeyay qaraakooda in wasaaradda maaliyadda oo kaliya ay u xil-saaran tahay uruurinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019.

Arrintan ayaa caqabad wayn ku noqoneysa shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah oo markii hore ku lug lahaa howlaha canshuuraha ee magaalada Muqdisho, madaama ay jiraan shirkado qandaraasyo waa wayn kula jira dowladda, isla markaana qabta shaqooyinkii looga baahnaa hay’adaha dowladda.

Qaraarka cusub ee golaha wasiirada ayaa hadda dhammaan soo af-meeray howlahaasi, waxaana la faray in dib-u-eegis lagu sameeyo heshiisyada iyo qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016.

“Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin” ayaa lagu yiri qodob kamid ah qaraarka ay xalay soo saareen golaha wasiirada Soomaaliya.

Arrintan ayaa noqoneysa mid uu boorka isaga jafayo ra’iisul wasaare Xamza oo todobaadkan xafiiskiisa ku qaabilay ganacsatada Muqdisho oo u gudbiyay cabashadooda ku aadan lacagaha badan ee canshuur ahaanta looga qaado, waxayna ku heshiiyeen in marka hore ganacsatada dhaqan-geliyaan canshuurta iibka oo dhan 5%, halka xukuumaddana ay qaraar kusoo saareyso xallinta cabashada, taas oo xalay la fuliyay.

Arrinta kale ee muujineysa in ra’iisul wasaaraha is kululeynayo ayaa ah in uu muddo dheer hortaagan yahay magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo loo wado Jeneraal Asad Cismaan Diyaano oo deegaan ahaan kasoo jeedo Puntland.

Magacaabistan ayaa muddo badan qaadatay, ayada oo Khamiis weliba dib loo dhigo in lagu dhawaaqo, sababo la xiriira go’aanka diidmada ah ee ra’iisul wasaaraha.

Sababaha ugu wayn ayaa lagu macneeyay laba arimood, mida koowaad waa Xamza in ay isku hayb yihiin ninka hadda haya xilka taliyaha Booliska Generaal Sulub Axmed Firin oo ay iskala soo jeedaan Jubbaland, arrinta labaad ayaa ah in Xamza uu ku xumeynayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo ay siyaasad ahaan isku hayaan, sidaasna uu uga biyo diidayo in la siiyo Puntland.

Deni iyo Xamza ayaa iska arkay kursiga ra’iisul wasaaraha oo uu markii hore damac uga jiray madaxweynaha Puntland, laakiin markii uu waayay dhabarka xijiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, waxaana go’an illaa iyo hadda xiriirkooda.

Si kastaba, arrimahan oo dil ayaa muujinayo in laba sano kadib dalka uu galayo marxalad cusub oo siyaasadeed iyo kursi kala riixasho, waxaana ugu dambeeyay oo xilkiisa waayay agaasimihii warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Cali Dige oo lagu beddalay Rug-caddaa Saxaafadeed Cabdiraxmaan Xudeyfi, waxaana mar kasta la filan karaa inay dhacaan isbedallo kale oo waa wayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here