NAIROBI (SMN) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa xarunta safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay Kusimaha Safiirka dalka Uganda u fadhida dalka Kenya Danjire Eunice Kigenyi oo halkaas booqasho ku timid.
Danjire Jabril Ibrahim Abdulle iyo Danjire Eunice Kigenyi ayaa Wadahadalada dhexmaray labada dhinac diiradda ku saaray arrimaha danaha u ah labada dal, oo ay ku jiraan barnaamijyadda ay wadaan hay’adaha UNEP, UN-Habitat ee fadhigooda yahay Magaalada Nairobi.
Sidoo Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo Kusimaha Safiirka dalka Uganda u fadhida dalka Kenya Danjire Eunice Kigeny ayaa ka hadlay Ajendaha qaarada Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo adkeynta xiriirka labada safaaradood.