Sawirro: Maxay ka wadahadleen guddiga maaliyadda BF & taliyeyaasha ciidanka?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Maaliyadda ee labada gole BJFS ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS, iyo Taliyaasha Ciidanka XDS, Booliiska, Nabad sugida, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

 

Ugu horeeyn Guddiga Wuxuu warbixin ka dhageystay dhammaan Taliyaasha iyo wasiirada shirka ka soo qeyb-galay iyagoona faahfaahiyay daruufaha ciidanka ku gadaaman iyo in kororka miisaaniyadda sanadkaan loo wareejiyo dhanka ciidanka.

Gaba-gabadii Guddoomiyaasha Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee BJFS oo kulanka soo xiray ayaa u sheegay in Xaquuq u halida Ciidanka ay muhiim tahay ka guddi ahaana ayna diyaar u yihiin in ciidanka Xuquuq loo raadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here