Maxay ka wada-hadleen madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya?

0

BEIJING (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto, inta uu socday shir-madaxeedka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) ee ka qabsoomay magaalada Beijing.

 

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, isbedelka cimilada iyo arrimaha gobolka.

Sidoo kale waxa ay si wadajir ah u adkeeyeen in la ilaaliyo xasilloonida iyo horumarinta gobolka, taas oo ku xiran dhowrista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka dariska ah iyo la dagaallanka argagixisada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here