Maxay tahay sababta loo burburinayo Dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamar?

0

MUQDISHO (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) ee degmada Xamar weyne oo ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga.

 

Bayaankan ayaa waxaa lagu sheegay in burburinta iyo baneynta dhulkaasi ay ku timid codsi uga yimid safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, oo u baahan tahay dhulkeeda.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu beeniyay in dhulkaasi la siin doono dad gacansato ah, si ugu shaqeystaan halkaasi.

” Burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia waxay ku timid Codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay, waxaana bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Arrintaan ayaa keentay walaac xoogan kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay sawirrada iyo muuqaalada dhismayaasha ku yaalla dhulkaas oo la burburinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here