Maxay yihiin digniinaha halista ah ee mar kasta ka imaanaya xerada Xalane?

0

MUQDISHO (SMN) – Kooxda reer galbeedka ee deggan Xerada Xalane iyo Qaramada Midoobay ayaa mar kale digniin culus kasoo saaray weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

 

Farriin qoraal ah oo ay ku baahiyeen baraha bulshada ayay ku sheegeen inay heleen xog muujineyso inay Al-Shabaab damacsan tahay inay Muqdisho ka fulisyo weeraro horleh.

Digniintan cusub waxaa lagu sheegay in kooxda ay bartilmaameedsan karto hoteellada ku yaalla Lido, baraha koontarool ee laa ilaaliyo xarunta madaxtooyada iyo waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka aha ayaa sidoo kale looga tegay in aysan tagin goobahaasi, isla markaana ay muujiyaan taxadar dheeraad ah oo ku aadan weerarada laga digay.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here