MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah mudeysay inay ku dhawaaqi doonto go’aanka dacwad loo heysto masuuliyiin ka soo shaqeysay qaar kamid ah hey’adaha dowladda, kuwaas oo ku eedeysan kiisas musuq maasuq ah.
Mas’uuliyiintan oo gaareysa 12 qof ayaa waaxaa kamid ah agaasimeyaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga.
Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa si toos ah loogala socon doonaa ku dhawaaqidda go’aanka kiiskaan ee maxkamadda gobolka Banaadir.
Halkan hoose ka akhriso qoraal ay soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir:-