Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo Xukuntay Sarkaal NISA ka Tirsanaa

0

Kismaayo, Soomaaliya — Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun ku riday Abdiqaadir Maxamuud Xasan, oo ka tirsanaa hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland (NISA), kaasoo lagu helay dembi dil ah oo uu ka geystay Aadan Maxamed Madey, sida ay saraakiishu sheegeen.

 

Xukunka waxaa ku dhawaaqay Gaashaanle Dhexe Cabdiaziz Maxamed Dhagajuun, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Jubbaland, kadib fadhigii ugu dambeeyay ee kiiska oo hore laba jeer loo fariistay.

Ehellada labada dhinac ee marxuumka iyo eedeysanaha ayaa goob joog ka ahaa dhageysiga maxkamadda, iyaga oo si dhow ula socday go’aanka garsoorka.

Kadib markii xukunka la sheegay, ehellada labada dhinac ayaa warbaahinta u sheegay inay ku qanceen go’aanka, iyaga oo tilmaamay in uu ahaa mid cadaalad ku dhisan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa hore u sheegtay in ay sii wadi doonto la xisaabtanka xubnaha ciidamada ee ku eedeysan falal ka dhan ah sharciga, si loo ilaaliyo sumcadda, anshaxa iyo kalsoonida shacabka ee ciidamada qalabka sida ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here