Maxkamadda ciidamada oo digniin culus u dirtay ciidamada Xoogga dalka

0

BAYDHABO (SMN) – Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 60-aad Gaashaanle Sare Sheekh Aadan Abuukar Maxamed ayaa khudbad dardaaran ah u jeediyay ciidamada xasilinta ee ku sugan gobolka Baay.

 

Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay ciidamada in aysan ku xadgudbin shacabka ku dhaqan deegaanada ay ka howlgalayaan, maadaama loo soo tababaray ilaalintooda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in askarigii dil gaystaa ama isbaaro dhigto laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan gobollada Baay iyo Bakool ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed oo haatan u diyaar garoobaya wajiga labaad ee howlgallada xoreynta oo la filayo inay ka billowdaan deegaanada maamul Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here